DHAGEYSO:- Wafdi ka socda Dowladda oo Maanta gaaray Magaalada Beydhabo

0

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada federaalka Soomaaliya Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Beydhabo.

Wafdiga Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirada Qorsheynta ee maamul goboleedyada dalka, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Beydhabo ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed C/naasir Nuur Caruush.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed C/naasir Nuur Caruush oo Garoonka Diyaaradaha magaalada Beydhabo warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Berri magaalada Beydhabo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada federaalka Soomaaliya Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay shirka Berri ka furmaya magaalada Beydhabo iyo waxyaabaha looga hadlayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-