DHAGEYSO: Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Luuq ee gobolka Gedo

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Maamulkii Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana uu magacaabay Maamul cusub.

Maxamuud Sayid Aadan oo waayahan dambe ku sugnaa Degmada Luuq ayaa magacaabay maamulka cusub, waxaana Guddoomiyaha Degmada Luuq loo magacaabay Maxamed Xasan Cismaan halka xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore Bishaar C/kariin Afjabeey.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu magacaabay ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Luuq oo laga dhigay Cabdi Ibraahin, halka Diiriye Aadan Dacar laga dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada, iyadoo Bishaar Xasan Cali laga dhigay Xoghayaha degmada.