DHAGEYSO: Dowladda oo soo bandhigtay raashin halaabay oo Masar Soomaaliya u soo dirtay

0

Wasaarada arimaha gudaha Soomaliya ayaa maanta soo bandhigtay Raashin halaabay oo la sheegay in dowladda Masar ay ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Xidig, ayaa Saxaafadda u sheegay maanta in raashinkaan uu yahay mid halaabay oo shacabka Soomaaliyeed aanan la siin karin.

Wasiir  C/rashiid Xidig ayaa sheegay Deeqda ay soo dhiibtay Dowladda Masar oo ka koobnaa waxyaabo fara badan 7-Kunteenar oo ka mid ah inay noqdeen raashin halaabay ama xumaaday.

“Waxan rabaa inaan cadeeyo raashinkii ay soo direen Dowladda Masar, oo idinka aad indhihiina ku arkeysaan inuu yahay mid aanan la isticmaali karin, lana siin Karin shacabka Soomaaliyed.” Ayuu yiri Wasiir Xidig.