DEG DEG:- Wasiir Caan ahaa oo iscasilay ka dib markii uu hal Arrin arkay..

0

Wasiirka Tacliinta Sare Sweden, gabadha lagu magacaabo Aida Hadzialic, ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay iska casishay xilkaasi, ka dib muddo laba sano ah oo ay soo heysay.

Tani waxay ka dambeysay markii ay Ciidamada Booliska Sweden Jimcihii ku qabteen buundada xiririisa Sweden iyo Denmark, iyadoo cabsan, isla-markaana gaari kaxeysaneysa.

Gabadhaan oo 29 jir ah, ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay iska casishay jegadaasi, ka gadaal markii ay sheegtay inay ku kacday khaladkii ugu waynaa, ee ay nolosheeda samayso.

Waxay sheegtay haddii ay dadku u arkaan sharci ahaan in khaladkaasi uu yahay mid yar, ay iyadu u aragto mid wayn, iyadoo intaa ku dartay in lagu soo wargeliyay inay qaadato masuuliyadda khaladkaasi.

“Xitaa haddii dembiga loo arko mid yar dhinaca qaynuunka, anigu waxaan u arkaa mid aad u wayn. Waxaa la ii keenay inaan qaato mas’uuliyadda wixii aan falay. Marxaladana inaan saas sameeyo ayaan doonayaa.” Ayay tiri Aida Hadzialic.

Iyadoo Saxaafadda la hadleysay, ayay sheegtay in Ra’iisal Wasaaraha Sweden, Stefan Löfven ay ku wargelisay go’aanka ay isaga casishay xilkaasi.

“Sidaasi daraadeed waxaan ku wargeliyay Ra’iisal Wasaaraha inaan go’aansaday in aan dowladda isaga baxo.” Ayay tiri Aida Hadzialic.

Booliska, ayaa sheegay in cadadka qamriga ee jirka haweeneydaasi ku jiray uu gaaraayay 0.2 (Halbeyga qamriga lagu cabiro), waxaana uu ka sareeyay inta uu sharcigu ogolyahay.

Aida Hadzialic, ayaa waxay sheegtay inay cabtay laba koob oo qamri ah, iyadoo ka cabtay baar ku yaala Magaalada Copenhagen ee Xarunta Wadanka Denmark, isla-markaana ay afar saacadood ka dib u amba baxday Magaalada Malmo ee Wadanka Sweden, xilligaana ay u haysatay in qamrigu uu ka baxay jirkeeda.

“Waxaan cabay laba koob oo qamri ah, xilli aan tagey baar ku yaala Magaalada Copenhagen. Afar saacadood ka dibna waxaan u soo amba baxay Magaalada Malmo, laakiin markaasi waxaan u haystay in qamrida ka baxday jirkeyga.” Ayay tiri Wasiiradda is casishay.

Aida Hadzialic oo asal ahaan ka soo jeeda Wadanka Bosnia, ayaa waxay Sweden timid iyadoo shan sano jir ah, waxayna ahayd Wasiirkii keliya ee Muslimka ahaa, kuna jiray Golaha Wasiirada Sweden. Sidoo kale waxay ahayd Wasiirkii ugu da’da yaraa ee ka soo muuqda Golaha Wasiirada.