DAAWO:- Gabadha Soomaaliya u mataleysay Tartankii Orodada ee Brazil ka dhacay oo dadaal dheeri ah muujisay

0

Maryan Nuux Muuse oo ah gabadha Soomaaliya uga qeybgelysa ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda dalka Barazil oo gelinkii dambe ee shalay ka qeybgashay tartanka orodka 400 mitir ayaa muujisay dadaal dheeraad ah, inkastoo kaalinta ugu danbeysay ay ka gashay tartankaasi oo haween ka qibrad badan kana waayo aragsan ay kula tartameysay.

Maryan ayaa orodkeeda ku dhameysatay 1:10:14 seconds, halka gabadha kaalinta koowaad gashay oo u ordeysay USA, Phyllis Francis ay iyadu ku oroday 50.58 seconds.

Dadaalka ay muujisay Maryan Nux Muuse ayaa saxaafaddu caalamka soo qaateen iyadoo ay ku tilmaameen gabar xijaaban oo u ordeysay qaran burburay oo soo kabanaya.

Marka la barbar dhigo Maryan iyo Zamzam oo sanadkii 2012 ka qeybgashay Olompic-kadii London kaalinta ugu danbeysayna gashay waxaa la tilmaamay in Maryan ay ka qibrad weyn tahay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Maryan-nuh-muse- Maryan-nuh-muse-2 maryan-olompic