Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho

0

Askari ka tirsan ciidamada dowladda  Soomaaliya ayaa saaka wuxuu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Ninkaan Darawalka Mooto Bajaajka ayaanan la garaneyn sababta ka dambeysay, hayeeshee Mootada ninka dhintay uu waday ayaa xabada waxa ay kaga taala Muraayada hore, taasi oo muujinayso in Darawalka hore laga toogtay.

Ciidamada Booliska ee joogay Isgoyska Sayidka ayaa gacanta ku dhigay Askarigii  dilka u geystay Ninka waday Mooto Bajaajta.

Waxaa la sheegaya Askariga in la geeyay Saldhiga Degmada Waaberi, halkaasi oo uu ku xiran yahay, iyadoo Booliska meydka Ninkii Darawalka ahaa ay u qaadeen Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si halkaasi baaritaano loogu sameeyo.