AKHRISO:- Khudbadda Madaxweynaha ee saxiixa Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan

0

Bismillahi Rahmani Rahim

Al Slaamu Caleykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Waxaa farxad weyn ii ah inaan maanta si rasmi ah qalinka ugu duugo Sharciga lagu soo dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqda aadanaha.
Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo.

Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan.

Guddigan sida ku cad magaciisa waxaa uu noqonayaa guddi madax banaan oo waajibaadka saaran uu yahay mid qura, kaas oo ah inuu u istaago xaqiijinta in muwaadin kasta uu dareemo in xuquuqdiisa aasaasiga ah la dhowro, taasina waxay qeyb ka tahay aasaaska dowlad wanaagga, dimoqraadiyadda iyo nabad ku wada noolaanshaha shacabkeena.

Isla xisaabtanka dhanka xuquuqda aadanaha ee aan doonayno inay Soomaaliyada cusub yeelato waa mid aan ugu talagalney inay daah-furnaan hufan yeelato, waana sababta loo soo diyaariyay sharcigan lagu soo dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha. Hay’adaha Dowliga ayaana ka mid ah kuwa lagala xisaabtami doono inay dhowreen iyo in kale xuquuqda aasaasiga ee muwaadiniinteena ay xaqa u leeyihiin.

Garsoor cadaalad ah iyo aadminimada oo la weyneeyo waa ka mid xuquuqda aasaasiga ee aan dooneyno inuu qof walba oo Soomaali ah uu dareemo.

Waan wada xusuusanahay tacadiyadii kala duwanaa ee dalkan soo marey ha noqoto kuwo dhacay xilligii dagaalada ama dagaalada ka hor. Micnaha ma ahan inaan dib ugu noqoneyno waayihii mugdiga ahaa ee ina soo marey, bale waxaan diiradda saareynaa inaan qaadno tallaabo kasta oo horseedeysa inaaney mar kale tacadiyo ama xadgudubyo bani’aadamka ka dhanka ah dhicin.

Ma dooneyno inaan ku aragno Soomaaliya oo ay ka jiraan jirdil, sharafta muwaadinka oo wax loo dhimo sabab la’aan, dadka oo si khasab ah lagaga shaqeysiiyo, qofka amnigiisa iyo xorriyaddiisa oo wax loo dhimo iyo xuquuqda haweenka oo la dayaco.

Sharcigan cusub waxaan uga fadhinaa inuu muwaadiiinta u horseedo garsoor iyo maxkamadeyn caadil ah, inaan qofka la ciqaabi karin iyadoon sharciga la marsiin, xaqiijinta xorriyatul qawlka, xorriyadda isku imaatinka nabadeed, xorriyadda guurka iyo dhismaha qoyska, ka hortagga faquuqa iyo sinaan la’aanta, xuquuqda waxbarashada iyo xuquuqda doorashada iyo kuwo kale ee jiritaanka bani’aadamka salka u ah.

Waxaan kaloo guddigan uga fadhinaa inuu qaabeeyo shuruucdeena, hab dhaqanka iyo siyaasaddeena ku aaddan dhowrista xuquuqda aadanaha, si aan u dhisno bulsho Soomaaliyeed oo cadaalad ku naaloota.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ballanqaadeysaa inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda aadanaha.

Waxaan Guddigan ka fileynaa inuu xoogga saaro la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo sida loo dhowrayo hab dhaqanka dowladnimo ee dhinaca xuquuqda aadanaha.

Meel marinta sharcigan waxay kaloo fursad u siineysaa dowladda inay talo ka hesho guddigan sida fulinta waajibaadka dhowrista xuquuqda aadanahaa ee heer qaran iyo heer caalami intaba.

Saxiixa sharcigan inkastoo uu ku soo beegmay xilli kala guur lagu jiro oo waddanku doorashooyin isku diyaarinayo, haddana waxaan filayaa in la dedejin doono dhameystirka dhismaha guddigan si hawshan muhiimka ah loo guda galo, loona arko inuu yahay mid ka mid ah tiirarka salka u ah dhismaha Soomaaliyada cusub oo ku dhisan dimoqraadiyad, sinaan, horumar iyo barwaaqo.

Mar kale hambalyo ayaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed maalintan qiimaha leh ee aan meel mariney sharcigan taariikhiga ah.