Soomaaliya oo Maanta Lagu Arki Doono Masraxa Orodada ee Olympics Rio 2016

0

Garoonka Banaadir Stadium, oo ku yaala caasimada Soomaaliya,ee Muqdisho, ayay ku qaadanayeen tababar ka hor inta aysan u duulin Brazil, labada ciyaaryahan oo orodo soomaaliyeed ah.

Maryan Nuux Muse iyo Maxamed Daud Mohamed ayaa hore u gaaray magaalada Rio oo ay ciyaarahaan kasocanayaan, iyadoo kulankooda ugu horeeya ciyaartooyda soomalida maanta la daawan doono.

Ma noqon doonto markii ugu horeysay ee Maryan matasho calanka soomaaliya,iyadoo tartamo caalami ah kaga qeyb gashay wadamada Kenya, Republic of Congo, Botswana, Tanzania, Itoobiya ,Shiinaha iyo dalal kale.

Orodyahanada ayaa ka qeyb gali doonta tartanka 400 mitir ,waxaana ay aaminsan tahay in ay leedahay tayo ay ku guuleysan karto.

Waxay sheegtay, “Tiro ka mid ah dalalkaka qeyb galaya tartanka maanta in ay hore usoo aragtay, islamarkaana aysan wax cabsi ah ka qabin.

Maryan ayaa maanta kasoo muuqan doonta Rio, iyadoo wadata calanka soomaaliya, si ay tartanka Orodka 400miter kaga qeyb gasho.

Wiilka Kenya ku dhashay ee Mohamed,ayaa ahaan jiray ciyaaryahan kubadda cagta ciyaara. tan iyo markii uu uga gudbay ciyaaraha fudud ayuuse ka fariistay kubadda cagta, isagoo xooga saaray orodka.

Waxa uu ordi doonaa 5,000 mitir,isagoo tartana Rio uu u yahay kulankiisii ugu horeysay ee ciyaaro caalami ah.

Mohamed ayaa 17 Bishan isna Orodkiisa ku balansan, waxaana uu qiray in uusan wax cabsi ah dareemeyn hadda.

“Waxaan ahay mid u yimid halkaan sidii uu ku guuleysan lahaa tartankaa ayuu yiri “Maxamed Daud Mohamed.

Soomaliya ayaa leh laba ciyaartooy oo caan ku ah tartanka orodada inkastoo dhalashooyin kale ay heystaan ,Mo Farah, iyo wiilka Canadian ah ee Mohamed Ahmed ayaana ah kuwo aad loo qiimeeyo.