Dowladda Kenya oo Nin ay ku sheegtay in uu Al-shabaab ka tirsan yahay lacag dul dhigtay madaxiisa

0

Dowladda Kenya ayaa 2Milyan oo Lacagta Kenya dul dhigtay madaxa Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi Sheekh.

 

Wasaaradda amniga gudaha Kenya iyo Taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in Cabdullahi uu ka tirsan yahay Al-shabaab islamarkaana uu Qatar ku yahay Dalka Kenya.

 

Taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in C/llahi uu ka tirsan yahay Garabka Jeesh Al Ayman ee Al-shabaab u qaabilsan Kenya sida uu sheegay,horayna weerar uga fuliyay Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.

 

Cabdullahi,waxaa ay Kenya ku sheegtay in uu da’ ahaan uu 20 jir yahay islamarkaana uu yahay xubin aad u fir fircoon oo ka tirsan Al-shabaab.

 

Sirdoonka Kenya,ayaa Cabdullahi,ku eedeeyay in uu fuliyay weerarro ka dhacay Keynta Booni,iyo Saldhigyo ay Booliska Kenya ku leeyihiin Lamu.

 

Kenya,waxaa ay sheegtay in qofkii hel xog horseedi karta qabashada Cabdullahi,la siinayo 2Milyan oo lacagta Kenya ah,abaalgud ahaanna lagu siinayo.

 

Cabdullahi-620x330