DHAGEYSO:- Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay, sheegayna in ay yihiin Dowladda

0

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil ayaa sheegay in ay ku Eedeenayaan Dawlada Soomaaliya mid laf dhuun gashay ku ah jiritaanka Soomaaliland oo ay diidan tahay hormarka ay gaareen.

Wasiir Xuseen waxa uu si kulul uga jawaabay arin la xiriirtay heshiis Caalami ah oo Somaliland gashay iskuna dayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hor istaagto hase ahaatee iyagu guuleysteen.

Maamulka Soomaaliland ayaa isku aqoonsaday inuu ka go’ay Soomaaliya sidaa awgeedna uu yahay Waddan Madax banaan inkastoo weli dunidu Aqoonsi siinin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-