DHAGEYSO:- Qorshayaal Cusub oo lagu sugayo amaanka Muqdisho oo la soo saaray iyo Taliska Booliiska oo faah faahiyay

0

Taliyaha Ciidamada Booliska G/Banaadir ayaa sheegey inay u diyaargaroobeen Sugidda Amaanka Magalada Muqdisho Xiliga Doorashada.

Mudoomiyinka Dambe waxaa jirey Koormero Dhowr ah oo Gudoomiyaha G/Banadir uu ku tagayey Saldhigyada Booliska 17-dagmo ee Gobolka,iyadona lagu sheegey ujeedada in la kontorolo qaabka ay ciidamada Booliska ugu diyaargaresanyihiin Amniga Magalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta guud ee Booliska G/Banaadir Bishaar Abshir Geeddi ayaa Mustaqbal u sheegey in la dajiyey qorshayal lagu hananayo amniga xiliga Dorashada ay ka dhacayso Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Taliyah Bishaar ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ee howshaasi qabana ay yihiin kuwo si wanaagsan la isugu dubbariday,la iskuna halleyn karo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-