WAR DEG DEG AH:- Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Arrin aan wanaagsaneyn ka sameynaya deegaanka..

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in boob baahsan ay maanta ka geysteen deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Boobka u geystay goobaha Ganacsi ee Shalaanbood ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ilo deegaanka ah ay warbaahinta u xaqiijiyeen Ciidamadaasi ayaa ka qaatay goobaha Ganacsi ay boobeen Lacago, Taleefoonada gacanta iyo Agabyo kale.

Waxaana la soo sheegayaa in Jir dillo xoogan ay kula kaceen dadkii shacabka ahaa ee lahaa Goobaha la boobay.

Ma jiro illaa iyo iminka wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay uga hadleen dhibaatadaas ay maanta Ciidamadu ka geysteen Shalaanbood.