DEG DEG:- Dowladda Mareykanka oo sheegtay ine dishay hogaamiye Sare oo ka tirsan Kooxda Daacish

0

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in madaxii Kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Afghanistan iyo Pakistan lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay bishii la soo dhaafay ka fuliyeen diyaaradaha aanay cidina wadin bariga dalka Afghanistan, halkaas oo ay kooxdan tababar ugu fidiso qaar ka mid ah dagaalyahanadooda.

Xaafid Saciid Khaan, oo horay hogaamiye uga soo noqday Taalibaan, ayaa ku hogaamiyay maleeshiyaadkaasi hubaysan weerraro taxana ah oo ay dad badani ku dhinteen oo ay ka gaysteen gudaha dalka Afghanistan.

Warbixin uu Pentgon-ka soo saaray ayaa lagu sheegay in dhimashada Xaafid Saciid Khan ay curyaamin doonto dadaalada ay kooxda dadka ku qoroto iyo howlgallada ay ka fuliyaan gudaha Afghanistan.

Tan iyo bilowgii sanadkan Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarrada cirka ah ee Afghanistan, iyadoo walaac laga muujiyay in Kooxda Khilaafada Islaamka ay doonayso in ay howlgalladeeda ka soo balariso Suuriya iyo Ciraaq.

Bishii aynu soo dhafnay kooxdan waxay sheegatay masuuliyada weerarkii lagu qaaday isu soo bax laga sameeyay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, halkaas oo ay ku nafwayeen inkabadan 80 qof