Xildhibaan Baarlamaanka Masar oo Jeediye Hadal ay Ka xumaato Somalida

0

Golaha shacabka ee Masar ayaa dhowaan ka dooday soo ifbixidda Hijrada Muwaadiniinta Masaaridu ay ugu socdaalayaan  dowladaha saboolka ah ee Qaaradda Afrika, si ay shaqo iyo nolo fiican u helaan.

Xubno kamid ah xildhibaanada Masar ayaa sheegay in Muwaadiniinta Masaarada oo u socdaali jiray Waddamada Galbeedka iyo Qaliijka Carabtu ay hadda is beddeleen, oo iyaga oo aad u badan ay bilihii ugu dambeeyey shaqo raadis ugu hijroonayeen Waddanka Soomaaliya

U socdaalidda Soomaaliya

Kulan uu yeeshay guddiga arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Masaarida ayaa guddoomiyaha guddigaas Xaatim Baashaat; waxa uu eedyn kulul u jeediyey Wasiiradda Socdaalka iyo arrimaha qurbajoogta  ee Xukuumadda Masar Nabiila Mukaram, isaga oo sheegay in ay mas’uulka tahay kor u kaca Hijrada Muwaadiniinta masaarada ee Soomaaliya, oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay waddamada Saboolka ee Qaaradda afrika.

Nabiila Mukaram wasiiradda  Socdaalka iyo arrimaha qurbajoogta  ee Xukuumadda Masar ayaa dhankeeda sheegtay in soo jeedinta eedeyn noocaas ah aanay ahany mid ku habboon iyada, Nabiila waxa ay sheegtay in ay la qabsatay weerar iyo eedeyn caynkaas ah laga soo billaabo markii ay ku soo biirtay Shaqada wasaaradda arrimaha dibadda oo hadda laga joogo 20 sano.

Arrinta ku saabsan  kor u kaca socdaalka Muwaadiniinta Masaarida ee Soomaaliya ayay ku sheegtay in ay Waajib ku tahay hay’adaha dowladda Masar sameynta hannaan ay Masar si rasmi ah uga howlagasho siyaasad ahaan dhammaan dowladaha ay muwaadiniintu u hijroonayaan, si looga taqaluso dhammaa noocdyada socdaalka aan shaqrciga ahayn.