TOP DHAGEYSO:- Soomaali lagu qabtay Serbia,OGOW Tirada iyo Deegaanada ay ka soo jeedaan

0

Ciidamada ilaalada xuduudka ee wadanka Serbia ayaa ka hortagay illaa iyo laba iyo toban (12) muhaajiriin ah oo isugu jiray Turki Somali iyo Afghanistaniyiin kuwaasi oo u gudbayay dhinaca wadanka Croatia.

ciidamada ayaa sidoo kale xabsiga dhigay labadii ruux ee gudbinayay dadkaasi muhaajiriinta ah.

labada nin ayaa waxaa lagu qabtay meel u dhow xuduudka Croatia,booliiskana waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 12 ruux oo kala ah mawaadiniin kasoo kala jeeda wadamada Somalia, Turkiga iyo Afghanistan, oo saarnaa gawaarida ay kaxaynayeen labada nin.

labada nin ee muhaajiriinta gawaarida ku waday ayaa waxa ay xirnaanayaan illaa iyo 30 maalmood,halka muhaajiriinta ajaaniibta ah lagu haysto in si sharci darro ah ay xuduudka uga gudbayeen Waxana Muhaajiriinta La Qabtay ee Soomalida ah ay ka Soo Jeedaan Deganada Puntland, Koonfurta Somaliya iyo jubaland sida ay shegeen Dadkaasi

Bartimihii July Serbia ayaa ciidamo millatari iyo booliis ah dhigtay xuduudkeeda si ay muhaajiriinta uga hortagaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO