TOP DHAGEYSO:- Saraakiil Al-Shabaab oo lagu tuhmayo inay joogaan Afgooye iyo Howlgalo xoogan oo socda

0

Taliyaha Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Dhame Amiin Maxamed Xuseen oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada amni degmadaasi.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dhowaan ay weerar ku soo qaadeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab balse ciidanka dowladda ay iska difaaceen sidoo kalena ay baacsadeen Dagaalyahanadii weerarka ku soo qaaday waa sida uu sheegay Taliyaha.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo sidoo kuwa AMISOM ay howlgallo ka dhan ah Shabaab ka sameeyeen degmada Afgooye iyo duleedkeeda.

Dhame Amiin Maxamed Xuseen Taliyaha Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda ay ka go’antahay in Shabaab ay ka saaraan guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka dowladda.

Dhowaan ayay aheyd markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo ciidanka dowladda ay ku dagaalameen duleedka Afgooye, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

HALKAAN KA DHAGEYSO