TOP DHAGEYSO:- Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo aan u qarin Wasiiradiisa inay ilaaliyaan Hanti boobka inta ay socoto Doorashada

0

Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya waxa uu kula dar daarmay in ay ilaaliyaan Hantida dowladda inta lagu guda jiro Doorshooyinka dalka ka dhacaya.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya looga baahan yahay in ay si adag u shaqeeyaan mudada Doorashada lagu guda jiro.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya C/Casiis Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa warbaahinta u aqriyay hadalka Ra’iisul Wasaaraha.

Bilaha September iyo October ayaa dalka waxaa ka dhacaya Doorashooyin iyadoo la soo dooranayo xubanaha Baarlamaanka Aqalka Sare, xubnaha Aqalka Hoose iyo 30-ka October oo la soo dooran doono Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay yeelaneyso sida la go’aamiyay.

HALKAAN KA DHAGEYSO