TOP NEWS:Shir ku saabsan dhiirrigalinta Ganacsiga Haweenka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

0

Shir looga hadlayay dhiirrigalinta Ganacisga Haweenka Soomaaliyaa ayaa waxaa Soo qabanqaabiyay Hay’adda Asal, waxaana ka qeybgalay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Haween ganacsato ah, masuuliyiin iyo martisharaf kale.

Shirka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay waxyaabaha ka tarjumaya Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar, oo kulanka ka hadashay ayaa ku boorrisay Shirkada Ganacsiga dalka in ay shaqo u abuuraan fursadna siiyaan haweenka Soomaaliyeed ee waxbartay, gaar ahaan gabdhaha.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hadda u soo jeesteen in ay ka qeybqaataan hormarka dalka, sida Siyaasadda,Ganacsiga iyo dhammaan adeegyada kala duwan ee bulshada, sidaa darteed waxaan leeyahay Hay’adaha iyo shirkadaha ganacsiga fursad ha siiyaan gabdhaha waxbartay” ayay tiri Marwo Sahro.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdurashiid Maxamed Axmed, ayaa kulanka ka ballanqaaday in uu dhiirrigalinayo in haweenku ka dhexmuuqdaan bulshada, Hay’adaha deeqbixiyeyaashana ay kala kaashanayaan sidii maalgalin loogu sameynlahaa haweenka.

“Haweenka waa in ay fikardo ganacsi oo muhiima la yimaadaan si loo dhiirigaliyo, anigana Ka wasaarad ahaan waan taageyreynaa waxaana uraadineynaa maalgalin inay helaan haweenku anagoo la kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah, waana dhiirigalineynaa in haweenku Ka dhex muuqdaan ganacsiga” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid.

Shirka dhiirrigalinta Ganacsiga haweenka ayaa dabasocday shirar ay Hay’adda Asal ay horay ugu soo qabatay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa gabdhaha Soomaaliyeed ee Waxbartay.