Mareykanka oo beeniyay in Duqeymo ay ka fuliyeen Magaalada Saakoow

0

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay wararka la xiriira in Diyaaradahooda Dagaalka ay Duqeymo xoogan ka fuliyeen Degaano hoostaga Magaalada Saakoow ee Gobolka Jubda Dhexe.

Afhayeenka howlgalka Dalka Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) Benjamin Benson ayaa shaaca ka qaaday in Diyaaradahooda aysan fulin Weerarkaasi.

Mr. Benjamin Benson ayaa tilmaamay in Xoogaga Mareykanka ay taagero siinayeen kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallada ka fulinayay Magaalada Saakoow.

Waxuu Afhayeenka intaasi ku daray in howlgalkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 3 ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab, islamarkaana ay jiraan khasaaro kale balse ay baaritaano ku hayaan, sida uu hadalk u dhigay.

10-kii bishan ayaa Weerar kan la mid ah Xoogaga Mareykanka iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey ku qaadeen Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab, inkastoo aan weli la shaacin hadii uu ka dhashay khasaaro.

Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay iska caabiyeen Weerarkii ay soo qaadeen Xoogaga Mareykanka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Magaalada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa gacanta ku haya Xarakada Al Shabaab, iyadoona xusid mudan in halkaasi ay mararka qaar weeraro u joogteeyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka.