Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Dad lagu tuhmayo inay geysteen Qaraxyo

0

Maamulka Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay howlgallo lagu soo qab qabtay tiro dad ah kuwaasi oo lagu tuhmayo Qarax Xalay ka dhacay Degmadaasi.

Guddoomiyaha Siyaasada iyo dhanka Amniga ee Maamulka Degmada Dharkeenleey, Daa’uud C/laahi Nuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Qaraxaasi ay u soo qabteen dhowr ruux.

Mr. Daa’uud ayaa waxuu tilmaamay in raggan ay soo qabteen ay ku socdaan baaritaano la xiriira Qarax Xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Guddoomiyaha Degmada lagu weeraray.

Qaraxaasi oo bam gacmeed ahaa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 5 Ruux oo labo ka mid ah lagu sheegay Ilaalada Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey.

Dhinaca kale, Guddoomiye Daa’uud ayaa xusay in ay soo xireen Askar ka tirsan Xoogaga Militariga, kuwaasi oo ku Dagaalamay Duleedka Degmada Dharkeenleey.

Waxaa uu intaasi ku daray in Askarta ay soo xireen Dagaalkooda uu salka ku hayay murun la xiriira la haanshiyaha dhul ku yaall halkaasi.

Xaalada Degmada Dharkeenleey ayaa Saaka deggan, iyadoo aanu jirin wax qalalaaso ah oo laga soo sheegayo Degmada marka laga tago Qaraxii Xalay.

Ilaa iyo hada mjirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxii Xalay balse Xarakada Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe Weeraro badnaa Qaraxyo waxey ka fuliyeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.