Maalinta dhallinyarada Adduunka oo laga xusay Muqdisho

0

Munaasabad lagu weyneynayay maalinta dhallinyarada Adduunka oo sanad waliba maantoo kale looga debaaldego caalamka ayaa lagu qabtay magaaladan Muqdisho.

Xuskan 12-ka Augost,ayaa masuuliyiintii ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa R/wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar carte iyo Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Sportiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Sportiga Maxamed C/laahi Nuux, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay dhallinyaradu tahay laf-dhabarta horumarka dal kasta,loona baahan yahay iney kaalintooda ka qaataan dhallin Soomaaliyeed.

R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhallinyarada Adduunka, isagoo ka digay iney naftooda qatar geliyaan taasoo dhaawici karta mustaqbalkooda iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan.