DHAGEYSO WARBIXIN XASAASI AH:- Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano siyaabo kala duwan uga hadlay Qodobadii Shirka Madasha

0

Siyaasiyiin  iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo maanta ka qeyb galayay Barnaamijka Dooda Jimcaha Shabelle ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran.

Ugu horreyn Siyaasiga Daahir Cirro  ayaa sheegay in uu ku bogaadinayo Madasha Wadatashiga qaab ay u garwaaqsadeen in maamullo uu sheegay in degenaasho ay ka jirto qeyb ahaan aqalka sare looga kordhiyo qoondada maamul Goboleedyada kale taas oo uu sheegay in ay tahay mid dhiira gelin ah si Maamullada kale deganaasho la’aanta hareysay oo dadkii shacabka ka barakaceen ugu guuleystaan ka shaqeynta Nabad Gelyada sida uu hadalka u dhigay.

Laakiin Siyaasiga Axmed Baasto oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee maamulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in dalka uu leeyahay sharci loona baahan yahay in aan la baal marin Dastuurka sidaas daraadeed aan loo baahneen wax uu ku sheegay Sed bursi cid gaar ah loo sameeyo ee Cadaalad wax loogu qeybiyo dadka soomaaliyeed oo sameystay Maamul Goboleedyo.

Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran dhawaan ayaa qaar ka mid ah waxaa ka soo horjeestay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte kaas oo Masuugay Qoondada Madashu siisay dadka dega Gobollada Waqooyi ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Prof Saciid Ciise Maxamuud Guddoomiyaha Xisbiga Dadka ahna Musharrax u taagan Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ku tar tarsiiyay bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan ka tashiga aayahooda maadaama sida uu sheegay Beesha Caalamku hadda kalsoonidoodii ay kala laabteen Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ka soo horjeestay qaar ka mid ah qodobada Bayaankii Madasha wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran ee ku soo gaba gaboobay  Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO