WAR DEG DEG:- Dab Xoogan oo Goor dhaw ka kacay Kaalin shidaal oo ku taala Magaalada Muqdisho

0

Dab Xoogan ayaa Goor dhaw ka Kacay Kaalin Shidaal oo ku taala Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka Kacay Kaalin ku taala Agagaarka Warshaddii hore ee Tarakha iyo Sigaarka,waxaana Socda Dadaallo lagu Daminayo Dabka halkaas ka kacay.

Gaadiidka dab damiska ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray Goobta uu Dabku ka kacay,kuwaas oo doonaya in ay dabka Damiyaan.