UNHCR oo codsatay in la taageero qaxootiga Soomaaliyeed iyo Sababta ka dambeysa oo la ogaaday

0

Ha’yadda UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Kenya iyo Yemen in ay wali u baahan yihiin in ay helaan taageero dheeri ah si loo gaabo noolashooda.

UNCHR ayaa sheegtay in wali jirto xaalad nolol xumo ee heysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Dibadiisa iyo sidoo kale kuwa ku barakacay gudaha dalka Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay in ay haboon tahay in dalalka caalamka  ay bixiyaan jawaab ku aadan taageerada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa.

UNHCR ayaa sheegtay in tiro ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Alkharas ee dalka Yemen ay kunool yihiin xaalad adag oo saameyn weyn ku yeelatay noolashooda , sidaas darteedna deeqbixiyaasha caalamka looga baahan yahay in ay taageeraan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Sidoo kale UNHCR ayaa sidoo kale codsatay taageero dheeri oo loogu talagalay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya gaar ahaan xeryaha Dhadhaab.