TOP DHAGEYSO+XASAASI:-Axmed Madoobe oo Banaanka soo dhigay Sirta qarsoon ee Shirkii Madasha iyo Sababta uu u tanaasulay uu cadeeyay

0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Max’ed Islaam,oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo,ayaa ka warbixiyay Shirkii madasha ee uu kaga qeyb galay muqdisho.

Axmed Madoobe, oo shir jaraa;id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in dhamaan qodobadii ka soo baxay Shirka Madasha uu ku qanacsan yahay islamarkaana aysan jirin qodob uu muran ka qabo.

Waxaa uu sheegay in saamiga kaga soo aaday aqalka sare aysan ahayn midka dhabta ah ee Jubaland xaqa u lahayd,waxaase uu sheegay in ay u tanaasuleen Soomaalinimo,isaga oo intaa ku daray in xitaa haddii la siiyo 20 Oday aysan noqoneyn kuwo wada qanciya beelaha Jubbooyinka.

Waxaa uu Axmed Madoobe,guul ku tilmaamay in Xukuumadda hadda jirta aysan juddada korosan islamarkaana ay dalka ka dhacaan doorashooyin Baarlamaan iyo madaxweynenimo,kuna dhacaan waqtiga loogu tala galay.

Dowlad Goboleedyada qaar ayuu sheegay in ay qaateen xubno badan sida Puntland iyo Somaliland,waxaa uu sidoo kale sheegay in kuwo labo Gobo lama ka yar sida uu sheegay ay heleen xubnaha la siiyay Jubbaland iyo Koofur Galbeed,oo min 3 Gobol ah.

Axmed Madoobe,waxaa uu meesha ka saaray in uu isaga yahay Musharrax u taagan jagada Madaxweynaha Soomaaliyamwaxaana uu ugu baaqay Dadka ka soo jeeda Jubaland in ay is sharraxaan lana taageero isaga oo Habaar ku tuuray kuwo Musuq iyo Laaluush ku raadiya xilka.

HALKAAN KA DHAGEYSO