DHAGEYSO+SAWIRRO: Wariye U Shaqeeya Idaacada BBC oo ku tilmaamay orodyahanada Soomaaliyeed ee Olompikada burcad badeed.

0

Wariye u shaqeeya Bbcda ayaa barnaamij ka baxayay Radio Cumbria kana hadlayay natiijada ciyaaro ka mid ah tartanka olympikada ee ka socda dalka Brazil waxa uu ku tilmaamay Soomaaliya meel ay joogaan burcad badeed iyo dad afduubka kaliya ku shaqeysta.

Saxafigan ayaa tabinayay tartan nooca doomaha ama saxiimadaha lagu tartamo waxana uu ka hadlayay natiijada tartankaas oo billado lagu kala qaadanayay.

Hadalkan ayaa weriye Ian Timms uu sheegay Talaadadii aynu ka soo gudubnay oo ku beegneyd 9 bisha August,hase ahaatee waxaa hadda socda su’aalo la iska weydiinayo in saxafigan ay kaftan ka ahayd iyo in kale.

Hadaladii uu saxafigan Ian barnaamijka uu sida tooska ah u tebinayay waxaa uu ku yiri: “Waxaa ina soo gaaraya natiijada tartanka doomaha ee Olympikada Rio,Dalka Great Britain waxa uu ku guuleystey billada dahabka,dalka Denmark waxa uu ku guuleystay billada Maarta dalka Soomaaliyana waxa uu waxa ay ku soo wareegayeen dunida.

Wariyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa si jees jees uu ku jiro waxa uu ku yiri : “Tababaraha ciyaaraha Olympic ee dalka Soomaaliya waa inuu cudurdaar ka bixiyaa isagoo wakiil ka ah kooxda kadib markii uu ogaaday in toogashada iyo tartanka doomaha ay ka mid yihiin ciyaaraha olympikada.”

Baraha bulshada ayaa hadalada jeesjeeska iyo isir sooca uu ku jiro ee wariyahan ka soo yeertay lagu baahiyay iyadoo badankood ay wariyaha ku dhaliilayeen sida anshaxa aan ku jirin oo uu ugaga hadlay dalka Soomaaliya.

som som1 wariye