Madaxweynaha Turkiga oo Obama kala doorad siiyay Labo arin

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Maraykanka ugu baaqay in lagu soo wareejiyo wadaadka mucaaradka ah Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay in uu ka dambeyey afgambi ku guuldareystay ee ka dhacay dalka Turkiga bishii la soo dhaafay .

Madaxweynaha Turkiga oo khudbad dheer u jeedinayay kumanaan qof oo isku soo baxay xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa Madaxweyne Erdogan waxa sheegay in dowladda Mareykanka looga baahanyahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo geliso dowldda Turkiga Fethullah Gulen.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowladda Mareykanka looga baahan yahay in ay kala doorato dowladda Turkiga iyo sidoo kale Fethullah Gulen.

Hadii gacanta loo soo gelin waayo ayuu sheegay in Turkigu ay qaadan doonaan tilaabo ay dowladda Mareykanka xiriirka ugu jarayaan.

” Waxaan ka rabnaa dowladda Mareykanka in ay labo kala doorato in ay gacanta kusoo geliso dowladda Fethullah Gulen oo ay ka shaqeeyso arimaha Turkiga ama in ay diido in ay gacanta noo soo galiso oo argagixisada ay taageerto ” ayuu Yiri Erdogon