FAAHFAAHIN:- Nabaddoon Xalay lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

0

Koox Hubeysan ayaa Xalay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Cawska ku Dishay Nabaddoon Saciid Sheekh Aadan oo ka mid ahaa Waxgaradka ku nool Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen Koox Bastooladley ah,kuwaas oo ka Toogtay Nabaddoonka qeybta hore ee Jirkiisa.

Mid ka mid ah Odayaasha ay sida weyn isku yaqaaneen Nabaddoon Saciid Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuun Saciid uusan ku lug laheyn wax Siyaasad ah islamarkaana aysan garan karin Ujeedka loo beegsaday.

Sidoo kale ma jirto Cid sheegatay Dilka Nabaddoon Saciish Sheekh Aadan,balse Dilalka nuucaan ah waxaa lagu yaqaanaa in ay geystaan Xarakadda Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Goobta uu dilku ka dhacay ka fuliyay Baaritaano mana jirto Cid ay u soo qaabteen Dilka Nabaddoonka.