FAAHFAAHIN:- Ciidanka Milatariga iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Afgooye

0

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa Xalay Saqdii dhexe ka dhacay Saldhig Ciidamadu ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Afgooye,waxaana Ciidanka Milatariga iyo Shabaab dhexmaray Dagaal mudo Socday.

Inta la Xaqiijiyay Dagaalka waxaa ku dhintay Labo Qof oo Shacab ah,kuwaas oo Rasaastu ay ugu tagtay Guryihii ay degenaayeen,halka ay ku dhaawacmeen illaaa Afar kale oo Shacab ah.

Ma jirto Illo Madax banaan oo Xaqiijin kara Khasaaraha Dhimashada iyo dhaawac leh ee kala gaaray Ciidanka Xoogga iyo Shabaabkii soo weeraray.

Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Weeraro la mid ah midkii Xalay ku soo qaaday Fariisimaha Ciidamada Dowladda ee ku yaalla Degmada Afgooye.