Donald Trump oo hadal la yaab leh jeediyay

0

Musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald Trump ayaa jeediyay hadal abuuray muran cusub oo kala dhaxeeyo xisbiga Dimuquraadiga.

Trump ayaa taageerayaasha sharciga xuquuqda lahaanshaha hubka ee dalkaasi ugu baaqay in ay ka hortagaan in Hillary ay sharcigaasi laasho.

Hadalka Donald Trump ayaa yimid xilli uu isku dayayo in uu dib u habayn ku sameeyo ololihiisa doorashada kaddib khaladaad badan oo hore oo hareeyay ololihiisa.

Isaga oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay North Carolina ayaa Trump waxa uu sheegay in haddii Hillary Clinton loo doorto madaxweyne ay awood u yeelan doonto in ay soo magacawdo qaaliyada maxkamadaha ee heer fadaraal, kuwaasi oo uu yiri waxa ay us isticmaali doontaa in ay meesha uga saarto sharciga xuquuqda lahaanshaha hubka ee dalkaasi mareykanka.

Dadka qaar ayaa hadalkaasi u arkay in Trump uu ku dhiiri gelinayay dadka haysta hubka in ay hubkooda u adeegsadaan qaaliyadani ama xitaa Hillary Clinton laf ahaanteeda.

Kooxda mas’uulka ka ah ololaha Hillary Clinton ayaa cambaareeyay hadalkaasi, kuna tilmaamay mid halis ah haseyeeshee afhayeen u hadlay Trump ayaa ku gacan seyray aragtida ah in uu rabsahdo hurnayay.

Kooxda ololaha ee Trump ayaa waxa ay sheegeen in Trump uu ugu baaqayay dadka u ololeeya xuquuqda lahaanshaha hubka in ay diidaan isbadal laga yaabo in lagu sameeyo sharciga xuquuqda lahaanshaha hubka ee dalkaasi, ayna tahay in ay isu soo baxaan oo ay codkooda dhiibtaan.

Xigasho BBC