DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Cali Khaliif Galeyr oo Jawaab kulul siiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo C/weli Gaas

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay dowlada Somalia Khaatumo ku hoosgeysay maamulka Puntland ee uu Hogaamiyaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Galeyr oo u waramaaya Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga looga hadlo, ayaa qaadacay go’aanka kasoo baxay shirka madasha Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Galeyr waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka talaabtay waaqica jira, sidaa darteedna ay Khaatumo uga soo horjeedo qodobadii kasoo baxay shirka Madasha.

Galeyr waxa uu sheegay in go’aanada lagu gaaray shirka Madasha ay kamid tahay in gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ay hoos tagaan maamulka Puntland.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Xiiso badan:-