DHAGEYSO WAREYSI:- Wararkii ugu dambeeyay dab ka kacay kaalin Shidaal oo ku taala Wadada Warshadaha

0

Wararka naga Soo gaaraya Isgoyska Warshada tarakha iyo Sigaarka ayaa waxaa ay Sheegayaan in Dab Xoogan uu halkaasi ka kacay.

Dabka ayaa waxaa uu qabsaday Kaalin Shidaal oo ka agdhow goobta uu Dabka ka kacay,Isagoona ku Faafay maqaayado iyo Xaafadaha ka agdhow.

Goobjoogayaal ayaa goordhow Risaala u Sheegay in Dab uu kacay,islamarkaana aan Weli la ogaan Sababta ka dambeysa Dabkaasi.

ilaa iyo Hada lama Oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dabkaasi.

Gaadiidka Dab Dimiska ayaa Gaaray goobta uu Dabka ka kacay,iyadoona sidoo kale halkaasi lagu Arkayo Ciidamo badan oo ka Tirsan kuwa Dowladda soomaaliya.

kaalinta shidaalka ayaa lagu magacaabaa SOPICO sida ay sheegeen goobgooyaal la hadlay idaacadda Risaala.

Mid Ka mid ah dadka goobta joogay marka uu dabku kacaayay ayaa sharaxaya sida ay wax u dhaceen.

HALKAAN KA DHAGEYSO