DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay Safarka Madaxweynaha ee Jigjiga

0

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Booqashada Madaxweynaha ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee taariikhda Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda degaanka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay soo noq noqonayeen isku dhacyada ka dhaca xuduuda oo ay booliska dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ku lug lahaayeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO