DHAGEYSO:- Maleeshiyo ku kacsan Maamulka Galmudug oo Lacago baad ah dadka ka qaadaya

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleehiyo Hubeysan ay halkaa dhigteen Isbaaro,waxaana la sheegay in Maleeshiyaadka ay wataan illaa Afar gaari oo nuuca Dagaalka ah.

Maleeshiyaadka ayaa Gaadiidka maraya Wadada Marta Degaanka Godinlabe ka qaadaya Lacago,iyadoo Maamulka Galmudug uusan weli ka hadlin.

Degaanka Godinlabe Ee Gobolka Galgaduud ayaa 30 KM u jira Degmada Cadaado,waxaana uu Cadaado ka xigaa dhanka Koofureed ee Magaalada.

HALKAAN KA DHAGEYSO