DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland “ Cali Khaliif Galeyr waxa uu qabaa Cudur aan Daawo lahayn, Soomaalinimada ayaa ku yar, midnimana ma rabo”.

0

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in Cali Khaliif uu qabo cudur dadka jecleysiisa ciddii dhibaato u geysata oo loo yaqaan “Stockholm syndrome”.

Isagoo ka hadlayay kadib markii uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan wadahadalka Maamulka Somaliland iyo Cali khaliif Galeyr, wuxuuna sheegey inaysan Puntland aqoonsanyn Khaatumo.

“Waxaan u maleynayaa Cali Khaliif Galeyr inuu yahay qof xanuunsan oo uu hayo cudurka Stockholm Syndrome oo qofka jeclaysiiya cidii dhibaateysa, Somaliland ma wuxuu ku jeclaaday cayr-sashadii badnayd ee ay kula kaceen” ayuu yiri C/weli Gaas.

Hoos ka Dhageyso Codka:-