WAR DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goordhow ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde iyo Magaalada Jigjiga oo markii ugu horeysay…

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu gogaaminaayo ayaa  u ambabaxay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,.

Booqashada ay wafdiga Madaxweynaha ku tagayaan magaalada Jigjiga ayaa ah tii ugu horeysay ,waxaana la filayaa in ay halkaasi wadahadal kula yeeshaan madaxda dowlad deegaankaasi.

Wafdiga uu hogaaminaayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay madax ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u tagay magaalada  Jigjiga, sidoo kale waxaa tagay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ka jira.