WAR DEG DEG:- Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wafdi Balaaran oo uu Horkacayo ayaa Goor dhaw ka degay Garoonka Diyaaradaha Ee Okaasho,kaas oo ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo islamarkaana Galmudug ay Maamusho.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdiga la socda ayaa Garoonka Diyaaradaha Ee Okaasho waxaa ku soo dhaweeyay Xubno iskugu jira Labada Gole ee Dowladda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo Garoonka kula hadlay Warfidiyeenka ayaa umahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Kulamo la qaadan doona Maamulka Gobolka Mudug iyo Qeybaha Bulshada ee Reer Galmudug inta uu joogo Magaalada Gaalkacyo.