TOP DHAGEYSO:- Xiisad ka dhalatay in Dekada Berbera lagu wareejiyo DP World iyo Shaqaalaha oo ku kacsan Siilaanyo

0

Iyadoo shalay Baarlamaanka maamulka Soomaaliland ay ansixiyeen in Dekada Magaalada Berbera lagu wareejiyo shirkada DP World ayaa waxaa maanta rintasi ka soo horjeestay shaqaalaha Dekada Berbera.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Dekada Berbera oo kulan ka yeeshay arintaasi ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan ansixintii shalay Baarlamaanka Soomaalilnd ay ku ansixiyeen Dekada Berbera in lagu wareejiyo shirkada DP World.

Waxa ay sheegeen shaqaalaha Dekada Berbera heshiiskii shalay dhexmaray shirkada DP World iyo Baarlamaanka Soonaaliland in uusan waxba ka jirin sidoo kalena ay aad uga soo horjeedaan.

Shalay ayay aheyd markii markii 69 Mudane oo Baarlamaanka Soomaaliland ka tirsan ay ogolaadeen in Dekada Berbera lagu wareejiyo shirkada DP World halka 4 oo kaliya ay diideen in lagu wareejiyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO