Puntland oo ka hadashay Meydka Nin laga helay Barkad ku taalla Degmada Burtinle

0

Saraakiisha ciidanka amiga degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa macluumaad dheeraad ah ka bixiyay maydka afar jir lagu magacaabo Cabdi Gurey Jaamac (Dabo gub) oo maalinti shalay laga helay barkad biyaha laga cabo oo kutaala meel banaanka ka ah Burtinle.

Taliye ku xigeenka saldhiga Burtinle Dhamme Maxamud Muuse Bile, ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland ninkani inuu ahaa nin xanuunsan oo qabay cudurada dhimirka islamarkaana la aaminsan yahay xilliga uu barkada ku dhacayay inuu ku jiray guuro habeenimo (Waa dadkii habeenkii iska socodka)

Taliyuhu wuxuu sheegay in ehelka ninkani ay xajiiqiyeen maalmihii ugu dambeeyay in Cabdi Gurey la weysanaa aragiisa iyo meel uu aaday, waxayna ka war heleen dhimashadiisa.