TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo fariin u diray dadka ka soo horjeeda Siyaasadiisa, kuna dhawaaqay in aysan ogolaan doonin in lagu xad gudbo..

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa sheegay in go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran cidna aan loogu roonaanin cidna aan loogu darnaan doonin, isagoo intaa ku daray in loogu roonaanayo Maslaxada Soomaaliya sida ay suurtagalka ku tahay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanada aysan ku saleysneyn in cid gooni ah loo hiiliyo sidoo kalena cid gooni ah laga hiiliyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay in ay mar walba taageero buuxda siiyaan dowladda Soomaaliya si ay u guuleystaan shacabka iyo dowladda.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Madasha Qaran ay yeelan doonaan 7-da September kulan kale kaas oo ay kaga hadlayaan dhameystirka waxyaabaha ka haray arimaha Doorashooyinka 2016-ka.