DHAGEYSO+XASAASI:- Cabdiwali Gaas ” Wax Maamul Khaatumo La Yiraahdo Majiraan, Mana Aqoonsanin”.

0

Iyadoo mudooyinkii dambe uu muran ka dhextaagnaa halka lagu soo xulayo xubanaha baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag oo ay maamulkiisa ku muransan yihiin Soomaaliland, Khaatuma iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay in maamulkooda Puntland uusan aqoonsaneyn wax la yiraahdo maamulka Khaatuma oo ka jira Deegaanadaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay xildhibaanada laga soo xulayo deegaanada Sool iyo Sanaag soo xulitaankooda ay mas’uul ka tahay Puntland.

Maamulka Khaatuma ayaa horey dowladda federaalka ugu eedeeyay in xaquuqda dadka ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ay duudsiineyso.