DHAGEYSO:- Maxkamada Ku Taalla Dalka Sweden Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dhalinyaro Soomaaliyeed

0

Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa maalinimadii shalay oo Talaado aheyd xukuno kala duwan ku riday 8 Dhalinyaro ah oo ay ku jiraan Soomaali.

Dhalnyaradan xukunka lagu riday ayaa 2 ka mid ah waxa ay ahaayeen Soomaali, waxaana lagu xukumay xabsi Daa’in kadib markii Bishii March 2015-kii ay rasaas ku fureen goob lagu daawanayay ciyaaraha Champions League halkaasi ay ku dileen tiro dad ah.

2-da Dhalinyarada ah ee xukunka lagu riday ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Aadan C/laahi oo 25 sano jir ah iyo sidoo kale Feysan Xasan oo 28 sano jir ah.

Waalidiinta dhalay Dhalinyaradan iyo Qareenada u doodaayay ayaa cabasho ka muujiyey xukunka lagu riday caruurtooda iyagoo sheegay in xukunka uu u dhacay hab cadaalad darro ah.

Labadaan Dhalinyaro ayaa Booliska dalka Sweden waxaa ay xireen bartimihi sanadkan iyadoo lagu kala xiray magaalooyinka Stockholm iyo Gothenburg.