XOG RASMI AH:- Madaxweyne Xasan, Gaas, Madoobe, Guuleed iyo Shariif uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay

0

Waxaa weli Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka soconaya Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran,kaasi oo galay Maalinkii 8-aad,waxaana jira Qodobo Heshiis laga gaaray iyo kuwo weli laga doodayo.

Arrimaha aan weli laga heshiin ayaa waxaa ka mid ah halka laga soo xulayo Xubnaha Maamulka Khaatumo u matalaya Aqalka Sare ee la doonayo in Dalka uu yeesho.

Warar aan ka helnay Shirka Madasha ayaa sheegaya in Saddex Arrimoo Hogaamisha ay soo jeediyeen,waxaana Mida Koowaad ay tahay in Xubnaha Khaatumo Aqalka Sare kaga soo aaday laga soo xuloo Somaliland islamarkaana.

Puntland Xubnaha Aqalka sare wax laga jaro iyo mida Labad oo ah in Puntland laga soo xulo oo Somaliland Tiro laga dhimo Aqalka sare ama Puntland iyo Somaliland tiro is le’eg laga jaro oo Khaatumo la siiyo.

Saddexdaas Feker ayaa hareeyay Dooda Hogaamiyaasha Madasha,mana jirto weli wax Go’aan laga gaaray