WAR DEG DEG AH: Ciidamadii DANAB ee Gaalkacyo tagay oo sameeyey howlgalo culus oo lagu soo qab-qabtay…

0

Saxaafada ayaa ogaatay in ciidamadii DANAB ee kasocday dawladda Faderaalka, kuwaas oo 06 August 2016 gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ay u talaabsaden dhinaca koonfureed ee Gaalkacyo, gaar ahaana Xaafadda Baraxley, isla markasna ay halkaas ka sameeyeen howlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga.

Ciidamada DANAB ayaa howlgalo deg deg ah ka fuliyey guryo badan oo kuyaalay Xaafaddaas Baraxley, waxayna soo qabteen shaqsiyaad lagu eedaynayo in ay maleegayeen weeraro Argagixiso.

Ilaa hadda dadka la qabtay ayaa lagu sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan 7 qof oo horeyba ay dabagal ugu hayeen laamaha amnigu, sidaas oo kalena waxaa jira meelaha qaar oo ay wali diideen ciidamadu in la galo.

Maamulka Xaafadda Baraxley oo marar badan laga hadlay arrimaha la xariira amniga iyo qabashada kuwa dilalka qorsheysan ka fuliya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa hadda bilaabay in ay Idaacadaha ka cambaareeyan ciidamadan.

Saraakiil ka gaabsaday adeegsiga magacyadooda oo kamid ah ciidamada Wardoonka ee dawladda Faderaalka ayaa sheegay in dabagal lagu hayey qaar kamid ah shaqsiyaadka la qabtay, kuwaas oo hadda ku jira gacanta ciidamada DANAB ee sida gaarka ah u tababaran.

Howlgaladan ayaa labadii habeen ee laso dhaafay ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, waxaana jira shaqsiyaad ay wali baadi-goobayaan lana rumeysan yahay in ay ku jiraan gudaha magaalada, kuwaas oo ka baxsaday xaafadahoodii markii ay ogaadeen ciidamada soo galay.

Horey Saraakiisha ciidamada DANAB waxay u sheegeen in ay la dagaalamayaan Argagixisada, balse aysan jirin warar ay buun-buuniyeen warbaahinta Koonfurta oo ahaa in ay qabsadeen madaarka magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa marar badan ku eedeysay Galmudug in aysan waxba ka qaban amaanka xaafada ay maamusho, ayna mar kasta martigaliso halkaasi kuwa ka soo horjeeda daganaanshaha iyo nolosha dadka oo dilal, qaraxyo iyo weeraro Argagixiso kafuliya Waqooyiga magaalada, ka dibna dib ugu laabto dhinaca Xaafada Baraxley oo ay horeyba uga yimaadeen, sida ay sheegaan Saraakiisha Amniga ee gobalka Mudug.