DHAGEYSO WAREYSI XASAASI:- Dowlada oo Ciriiri gelisay Jowhar iyo Fashilka Shirka wax ka daran oo jira

0

Magaalada Jowhar dadka kusugan ayaa waxa ay dareemayaan culeys ballaaran oo wax ka qabashadiisuna ay ka weyn tahay maamulka ku magacaaban halkaasi.

Wariyeyaal iyo dad kale oo kusugan Magaaladaasi waxay sheegeen in la dhuun qabateeyey dadka Jowhar sidaa ay tahayna aysan ogeyn xilliga go’doonkaasi ka bixi doonaan.

Jowhar waxa Sanadkaan bilowgiisii ka furmay Shirka Maamulka loogu dhisi laha Hiiraan iyo Sh/Dhexe inkastoo dib udhacyo badan kadib go’aan ay qaateen Reer Hiiraan kuwaasi oo diiday inay Maamul la dhistaan Sh/Dhexe.

Nabadoon Xasan Qaasim Qeeleey oo ka mid ah waxgaradka Jowhar ayaa sheegay in fashilka shirka ay kaga daran tahay Iskuulaadkii waxbarashada,Wadooyinkii muhiimka ahaa iyo meelo kale Dawladu uxiran tahay oo go’doon la geliyey magaalada wakhtiga laga qaadayana aan la ogeyn.

HALKAAN KA DHAGEYSO