Dhacdo Xanuun badan oo lagu arkay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal

0

Maamulka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa saaka waaberigii helay maydka nin dadiisu lagu qiyaasay 40 jir la aqoonsan la’yahay, kaasoo dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen maamulka degmada.

Ninkaan ayaa maydkiisa lagu arkay barkad deegaanka kutaala oo ay biyaha laga cabo sida uu noo Xaafid Cabdirisaaq oo ah xoghayihii hore ee degmada Burtinle, kaasoo kamid ahaa dadka arkay maydka ninkaan.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta uu dhintay ninkaaan, mana jirto wax dhaawac ah oo jirkiisa ka
muuqda, waxaana haatan baaritaan kuwada maamulka degmada iyo laamaha amniga.