DAAWO+SAWIRRO: Kulan lagu taageerayo Shirka madasha qaran iyo waqtiga Doorashada oo lagu qabtay Magaalada Caabudwaaq.

0

Kulan looga doodayay habraaca qorshaha faderaalka iyo taageerada waqtiga loo asteeyay doorashada madaxtinimada dalkeena in ay ka dhacdo oo uu soo qaban qabiyay Maamulka degmada oo ay gacan siinayaan masuuliyiin ka tirsan Dawlada galmudug ayaa lagu qabtay Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Waxaa kulankaa ka soo qayb galay Wasiirka W/waxbarashada DG , Xildhibaano ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug, Maamulka degmada, Qurbajoog iyo masuuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo kulan u furay ka qayb galayaasha ayaa sheegay inujeedka kulanka uu yahay mid la doonayo in lagu fahmo waxa uu yahay faradaalk.

Waxaana ka qayb galayaashu ay ka doodeen intii uu socday kulanka habraaca qorshaha faderaalka oo loo arkay waqtigan inuu u yahay xal lagu wax qaybsado.

Dhagaweyne C/laahi Warsame oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka galmudug ayaa sharaxaad ka siiyay ka qayb galayaasha faa’iiidada iyo waxtarka ku jira waqtigan.

Dhinaca kale Wasiirka W/Waxbarashada Galmudug Shiikh Ibraahin Shiikh Xasan ayaa taageeray shirka madasha qaran ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxuuna sheegay in Fadaraalku hada uu yaahay mid la wada qaatay oo dhamaan uu ka hirgalay dalkeena waqtigan.

c c1 c2 c3 c4 c5 c6 c7 c8 c9 c10 c11 c12 c13 c14 c15 c16 c17 c18 c19 c20 c21 c22

 

Hoos Ka Daawo

Wariye C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq, Somalia