XOG RASMI AH:- Xiisad ka taagan Buuhoodle iyo Shirar gaar gaar ah oo hada Socda

0

Wararka aan ka helayno magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn ayaa cadeynaya in ay ciidamada Daraawiishta ee kusugan magaalada iyo Odayaasha dhaqankuba saaka leeyihiin shir gaar ah oo ay uga hadlayaan aayaha magaalada iyo guud ahaan gobalka Cay nee Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay ciidamada Daraawiishtu u diyaarsan yihiin in ay talaabo ka qaadaan maleeshiyaad la baxay Khaatumo oo kusugan banaanka magaalada, kuwaas oo lagu eedaynayo in ay doonayaan in ay magaalada gudaha u soo galaan.

Dadweynaha ayaa cabsi ah dagaal ka dhex bilowda labada dhinac, iyadoo aysan jirin ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada oo dhan.

Goobjoogayaal kusugan magaalada Buuhoodle & deegaanka Balicad ayaa sheegaya in dhinaca Khaatumo la baxay ay doonayaan in ay gudaha u soo galaan magaalada Buuhoodle.

Saraakiisha ciidamada Difaaca Buuhoodle oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in aysan aqbaleyn in wax gorgortan ah ay ka galaan gacan ku heynta magaaladaas, sidaas oo kalena waxay sheegan in aysan aqbaleyn soo galitaanka kooxdan.

Prof Cali Khaliif Galeyr oo hogaamiya kooxda la baxday Khaatumo oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay wada hadal kula jiraan Somaliland, waxaana la sheegay in ay suuragal tahay in uu aado dhanka Somaliland.