XOG:- John Kerry iyo Madaxweynaha Kenya oo arimo Halis ku ah Al-Shabaab ka wada hadlaya

0

Afhayeenka Madaxtooyada dalka Kenya ayaa sheegay in Wasiirka arimaha dibada dalka Mareykanka John Kerry uu booqan doono wadankaasi bishaan si uu madaxda dalka ugala hadlo amaanka gobolka.

Menwe Isiiso ayaa shaaca ka qaaday in John Kerry uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kentta iyo wasiirka arimaha dibada Aamina Maxamed kaa oo ka dhacaya caasimada Nairobi.

Mas’uuliyiinta ayaa diirada saari doonta amaanka Soomaaliya iyo arimaha la xiriira qaxootiga Soomalida Kenya.

Sanadkii hore markii uu booqday Kerry Kenya waxa uu ku booriyay in aysan xirin xerada Dadaab oo ah mida ugu weyn ee caalamka ilaa iyo xasilooni looga soo dabaalo Soomaaliya.