WAR DEG DEG:- Madaxweynaha Galmudug oo ka soo dagay Garoonka Aadan Cadde iyo Ra’iisul wasaare Cumar iyo wafuud kale oo..

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug,C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib xaalad caafimaad oo uu u tagay Dalka Hindiya.

Guuleed,waxaa Garoonka Aadan Cadde,ku soo dhaweeyay ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar,C/rashiid Cali Sharma’arke,Madaxweynaha Maamulka Jubbaland,Axmed Maxa’ed Islaam iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug,Max’ed Xaashi Carrabey.

Madaxweyne Guuleed iyo Wafddiga ku soo dhaweeyay Muqdisho,ayaa waxaa loo galbiyay xafiiska Ra’isalwasaare Sharma’arke ee Muqdisho,waxaana lagu wadaa in marka la soo gaba gabeynayo shirka Madasha ee maalintii 5aad ka socda Muqdisho uu ka qeyb galo.

Madaxweynaha Galmudug,C/Kariin Xuseen Guuleed,ayaa qalliin dhanka wadnaha ah maraya,waxaana lagula sameeyay Dalka Hindiya,halkaas oo uu Todobaadyadii la soo dhaafay u jiray xaalad caafimaad.